Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in dhacdooyinkii dhulgariirka ee Isniintii saameeyay waddamada dariska ee Turkiga iyo Syria ay ku dhinteen in ka badan 21,000 oo qof.
Ugu yaraan 17,674 oo dadkan ka mid ah ayaa ku dhintay dalka Turkiga sida laga soo xigtay madaxweyne ku xigeenka wadankaasi Fuat Oktay.
Gudaha dalka Syria dhimashadu waxay maraysa ugu yaraan 3,377 ruux.