In ka badan 21 meydad ah oo laga helay Koonfur Afrika

0
254

Ciidamada booliiska ee dalka Koonfur Afrika ayaa goobta macdanta laga soo saaro ee magaalada Krugersdorp ku arkay ugu yaraan 21 meydad ah.
Laamaha ammaanka ayaa hadda baaritaano ku haya arrintan.
Meydadka ayaa looga shakisan yahay inay yihiin kuwa macdan qodoto sharci darro ah.
Magaalada meydadka laga helay ayaa dhanka galbeed uga beegan Johannesburg.
Booliska wadankaasi ayaa sheegay in 19 meyd la helay galinkii dambe ee shalay halka labo kalena la arkay saaka.
Booliiska Koonfur Afrika ayaa rumeysan in meydadka ay yihiin kuwo la soo dhigay halka lagu arkay.