In ka badan 200 oo qof oo ku dhimatay roobab ka da’ay dalka Pakistan

0
375

Dhimashada roobabkii mahiigaanka ahaa ee sababay dhul go’ iyo daadad ka dhacay waqooyiga Pakistan ayaa gaartay ugu yaraan 225 qof, sida ay sheegtay hay’adda musiibooyinka dalkaas.
Inta badan dhimashada, 211, ayaa laga diiwaan geliyey gobolka buuraleyda Khyber Pakhtunkhwa ee waqooyi-galbeed Pakistan, iyadoo shan kale ay ku dhinteen gobolka waqooyiga ee Gilgit-Baltistan iyo sagaal ka mid ahna waxaa ay ku nafwaayeen Gobolka Kashmir oo ay qeyb ka maamusho dowlada Pakistan .