In ka badan 200 oo ah arday lagu afduubtay Nigeria oo la soo siidaayay

0
320

Waxaa la soo siidaayay ugu yaraan 200 oo arday ah oo ay horraantii bishan koox hubeysan ka afduubatay dugsi ku yaalla Waqooyiga Galbeed ee dalka Nigeria.
Xafiiska guddoomiyaha gobolka Kaduna ayaa arrinkan maanta xaqiijiyay.
Guddoomiyaha gobolka Kaduna ee dalka Nigeria,Uba Sani ayaa sheegay in la taliyaha qaran ee amniga uu isku dubariday in ardayda la soo siidaayo in kastoo uunan faahfaahin dheeraad ah bixin.
Waxaa uu intaasi ku daray in ciidamada militariga ee Nigeria ay sidoo kale mudan yihiin bogaadin maadaama ay geesinnimo muujiyeen oo ay cadeeyeen in la wiiqi karo awoodda kooxaha gaysta falal dambiyeedyada.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii kooxda ardayda haysatay ay dalbatay in la siiyo lacag madax furasho oo dhan Hal Bilyan oo Naira ah una dhiganta 690,000 oo doolar.
7-dii bishan Saddexaad ayay ahayd markii ardayda laga afduubtay dugsiga magaalada Kuriga .