In ka badan 200, 000 oo arday ah oo aan weli dugsiyada JSS xaadirin

0
273

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ugu yaraan 200,000 oo ka mid ah ardaydii sanadkii hore sameeyay imtixaanka fasalka 6-aad ee dugsiyada hoose dhexe aynan weli u gudbin fasalka toddobaad.
Waxaa uu xusay in iyadoo la kaashanaya guddoomiye xaafadeedyada, ku xigeenadooda iyo duqeyda xaafadaha in laga shaqeynaya sidii ardaydan loo gayn lahaa xarumaha tacliinta.
Wasiirka ayaa dhanka kale waalidiinta ka dalbaday inay xaqiijiyaan in arday kasta oo sanadkii hore sameeyay imtixaanka KCPE-da inuu ku biiro fasalka koowaad ee dugsiyada sare.
Ezekiel Machogu ayaa tilmaamay in dowladda dhexe ay si buuxda u maalgeliso dugsiyada sare ee aan lahayn qaybaha jiifka sidaas awgeedna aan waalidiinta looga baahnayn inay bixiyaan qarashaad marka laga soo tago qadada oo uu qofku doorbidi karo.
Sidoo kale waalidiinta ay carruurtooda dhameyeen fasalka 6-aad ee dugsiyada hoose dhexe ayuu wasiirka waxbarashada ugu baaqay inay geeyaan fasalka toddobaad ee dugsiyada JSS.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tani ay qasab tahay marka la eego qorshaha dowladda ee ah in ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiiba boqol u gudbaan dugsiyada sare.
Wasiirka ayaa cadeeyay in tacliinta fasallada hoose ee dugsiyada JSS ay tahay mid lagu bixinaya si lacag la’aan ah sidaas awgeedna uunan jirin maamule , guddi dugsi , ururka waalidiinta iyo macallimiinta ee PTA iyo qof kale oo loo oggolyahay inuu la yimaado qiimo laga qaadaya waalidka xita diiwaangelinta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay wasaaradda waxbarashada buugaagta casharrada laga akhristo ay geynaysay dugsiyada JSS laga soo billaabo 30-kii bishii hore.
Qorshahan oo lagu qaybinaya 17,893,270 oo buugaagta ardayda iyo 423,514 oo ah nuqullada hagaya macallimiinta ayaa la soo gabagabeyn doonaa dhammaadka isbuucan.
Dowladda dhexe ayaa horay u soo saartay lacag dhan 3.1 bilyan oo shilin si buugaagtan loogu soo iibiyo.