In ka badan 20 qof oo loo xiray ka ganacsiga dawooyinka

0
407

Guddiga dowladda dhexe u qaabilsan xaqiijinta tayada dawooyinka iyo ka hor tagga waxyaabaha sunta ah ayaa sheegay in howlgallo laga fuliyay ismaamullada Tana River , Lamu iyo qaybo ka mid ah Kitui lagu xiray ugu yaraan 23 qof.
Dadkan ayaa lagu eedeyay in ay si sharci darro ah uga ganacsanayeen dawooyinka.
Maxkamadaha ayaa la soo taagay waxaana lagu soo oogay dacwad ah in iyaga oo aan ogolaansho haysan ay ka howlgalayeen farmashiyaal.
Agaasime ku xigeenka dhanka kormeerka u qaabilsan guddiga PPB Dr. Dominic Kariuki ayaa sheegay in albaabada la isugu dhuftay 52 farmashiyaal halka la qabtay 55 kaartoon oo dawooyin kala duwan ah.
Waxaa uu ciidamada booliska iyo waaxda garsoorka uga mahadceliyay in sare loo qaaday ganaaxa la saaro dadka lagu helo dembigan.
Eedeysanayaasha qirtay dacwadda lagu soo oogay ayaa la dul dhigay 320,000 oo ganaax lacageed ah halka kuwa iska fogeeyay eedeymaha lagu daayay damiin lacageed oo dhan 300,000 sida laga soo xigtay Dr. Kariuki.
Mas’uulkan ayaa intaa ku daray in dawooyinka la qabtay lagu wareejiyay guddiga si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo ugu dambeyn Meesha looga saaro si aynan dadweynaha dhibaatooyin caafimaad uga soo gaarin.
Howlgallada oo soo billowday 14-kii bishan ayaa waxaa iska kaashanayay ciidamada booliska iyo saraakiisha guddiga xaqiijiya tayada dawooyinka .