Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhintay 63 kalena way ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday kaniisad ku taal magaalada Dimishiq, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalka Suuriya.
Kaniisada weerarka lagu qaaday oo lagu magacaabo Greek Orthodox Church ee Elias ayaa waxaa gudaha u soo galay nin xirnaa jaagada qaraxda isagoona isku dhexmiidaamiyay dad badan oo ku sugnaa gobtaas.
Ilaa iyo hadda ma jirto koox si rasmi ah u sheegatay weerarkan.
Sawirro iyo muuqaal laga soo qaaday gudaha kaniisadda ayaa muujinayay in burbur xun uu ka muuqday sido kalena uu dhiig daadsanaa meel walbo.