Ugu yaraan 22 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen bariga dalka Tanzania ka dib shil u dhexeyay bas iyo mid ka mid ah baabuurta xamuulka.
Madaxtooyada Tanzania ayaa bayaan ku sheegtay in shilkaasi ay sidoo kale ku dhaawacmeen 38 ruux.
Taliyaha booliska ee gobolka bari ee Morogoro, Fortunatus Muslim ayaa laga soo xigtay in shilka uu ka dhacay magaalada Melela Kibaoni oo 200 oo kiiloomitir dhanka galbeed kaga beegan Dar-es-Salaam.
Waxaa uu intaasi ku daray in baabuurka xamuulka uu khadka ka baxay xilli uu waddada u banneynayay dhugdhugley.
Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Xassan ayaa farriin tacsi ah soo dhigtay barteeda Twitter-ka iyadoo dhanka kale dadka waddooyinka isticmaala oo ay darawaliintu ka mid yihiin ku boorrisay inay u hoggaansamaan xeerarka waaxda taraafikada.
Isniintii ayay ahayd markii 4 qof ay ku dhinteen shil ka dhacay duleedka magaalada Tunduma ee koonfurta galbeed ee Tanzania.