In ka badan 20 qof oo ku dhimatay dab saameeyay Pakistan

0
213

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 20 ruux ka dib dab qabsaday bas marayay dalka Pakistan.
Tani ayaa timid ka dib markii ay isku dhaceen bask iyo booyad shidaal.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay duleedka magaalada ku taalla bartamaha dalkaasi ee Multan.
Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay sawirrada baska gubtay shilka ka dib.
Sarkaal sare oo ka tirsan booliska Pakistan oo lagu magacaabo Rao Zulfiqar Cali ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in 6 qof oo kale ay dhaawacmeen.
Pakistan ayaa waxaa ku badan shilalka oo inta badan loo aaneeyo waddooyinka oo aan wanaagsanayn.
Sanadkii 2015-kii ayay ahayd markii ugu yaraan 62 qof ay ku dhinteen shil u dhexeeyay bas iyo baabuur shidaal kaasoo laga soo tabiyay gobolka Koonfureed ee Sindh.