In ka badan 20 ismaamul oo lala beegsanaayo xeelad cusub oo lagu xakameynayo dhimashada hooyada xilliga dhalamada

0
420

Wasaaradda caafimaadka ayaa in ka badan 20 ismaamul u aqoonsatay qorshe istiraatijiyadeed oo faragelin ah oo looga gol leeyahay in lagu dhimo heerka sare ee dhimashada hooyada xilliga dhalmada ee dalka oo dhan.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Aadan Barre Ducaale ayaa walaac ka muujiyay in gobollada laga sameeyay khariidad ka dib markii la diiwaan galiyay qaar ka mid ah heerarka dhimashada hooyada ee ugu sareysa dalka.
Si wax looga qabto caqabadaha, wasaaradda ayaa lagu wadaa in ay soo saarto hindise loogu magac daray ‘majirto haweeney u qalmada inay dhimato xilli ay bixinayso naf’ iyada oo loo marayo tallaabooyin ula kac ah oo lagu horumarinayo helitaanka umuliso xirfad leh, daryeel caafimaad oo tayo leh, iyo nidaamyo daryeel caafimaad oo wanaagsan.
Intaa waxaa dheer dowladda ayaa waxaa ay kordhin doontaa dadaalkeeda maalgelinta daryeelka caafimaadka, iyada oo adeegsanaysa qorshaynta xogta lagu hagayo si loogu habeeyo waxqabadyada baahiyaha gaarka ah ee degmo kasta.
Wasiirka ayaa waxaa uu ka jawaabayay warbixin ku saabsan heerka dhimashada hooyada ee dalka taas oo ay ugu wacan tahay daahitaanka lagu eedeeyay wax ka qabashada xaaladaha degdega ah, tas hiilaadka shaqaalaha oo yar iyo gabaabsiga saadka muhiimka ah.
Aadan Barre ayaa waxaa uu kula taliyay haweenka inay goor hore bilaabaan daryeelka dhalmada ka hor, iyo inay hubiyaan inay ka qaybgalaan baaritaannada dhalmada ka dib si loola socdo waxna looga qabto wixii dhibaato ah ka dib dhalmada.
Marka loo eego warbixinta la socodka dhimashada hooyada iyo dhallaanka (MPDSR) ismaamullada Siaya, Tana River, Gaarisa, iyo Isiolo ayaa loo aqoonsaday inay yihiin dowlad deegaannada ugu sarreeya heerka dhimashada hooyada.
Dhinaca kale, Vihiga, Baringo, Nandi iyo Nyamira ayaa ah ismaamullada ugu ammaanka badan Kenya ee dhanka dhalmada.