In ka badan 20 dhallinyaro Soomaali ah oo lagu xiray magaalada Nairobi

0
429

In ka badan 20 ka mid ah dhallinyarada Soomaalida ee muuqalada ku baahiyo Tiktok-ga iyo aaladaha kale ayaa Talaadadii lagu xiray magaalada Nairobi ka dib cabashooyin dhowr ah oo ka yimid dadweynaha oo ku saabsan ku xadgudub iyo weeraro anshax xumo ah.
Sida la sheegay dhallinta la xiray ayaa waxaa gacanta ku dhigay saraakiil ka tirsan Saldhigga Booliiska Pangani, ka dib markii dadka deegaanka ee xaafadaha Islii, Pangani, iyo Muthaiga ay ka dacwoodeen hab dhaqankooda.
TikTokers-ka la xiray ayaa lagu eedeeyay inay si ula kac ah ugu beegsadeen dadka lugaynaya, gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha, iyagoo duubaya muuqaalo loogu talagalay baraha bulshada.
Booliiska ayaa sheegay in dhammaan eedeeysanayaasha la horgeyni doono maxkamadda Arbacada maanta, iyagoo wajahaya dacwado la xiriira ku xadgudub iyo duubista shakhsiyaad aan oggolaansho siin.
Bishii Nofembar ee sanadkii hore Wakiilka Haweenka ee Nairobi, Esther Passaris, ayaa ka digtay dhacdooyin la mid ah, ka dib markii muuqaal baraha bulshada qabsaday uu muujiyay rag da’yar oo ku xadgudbaya gabdhaha iyagoo ku dooday abuurista waxyaabo internetka loogu talagalay. Passaris ayaa markaas ku tilmaantay dhaqankaasi mid ka soo horjeeda anshaxa baraha bulshada, iyadoo su’aal gelisay badbaadada gabdhaha loo geystay dhacdooyinkan.
Booliiska ayaa xaqiijiyeen in baaritaanno dheeraad ah lagu wado dadka la xiray, islamarkaana ay si adag uga digayaan dhallinyarada duubta muuqaalada aaladaha baraha bulshada inay ka fogaadaan ku xadgudubka dadka.