In ka badan 20 askari oo ku dhintay weerar is qarxin ah oo lagu qaaday xero ciidan oo ku taalla Muqdisho

0
311

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax barqadii maanta ka dhacay gudaha xero ku taalla kuliyadda Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho.
Ilo wareedyo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in 25 askari ay dhinteen ka dib markii nin isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay ciidanka oo saf ku jira.
Dhowr iyo afartan kale ayaa la sheegay inay dhaawacmeen kuwaas oo loo kala qaaday isbitaallo ku yaalla caasimadda Muqdisho.
Ninka is qarxiyay ayaa xirnaa dareeska ciidanka, isagoo gudaha xerada ku galay aqoonsi been abuur ah, sida il wareed ka tirsan Miltariga oo aan doonayn in magaciisa la sheego uu u warramay laanta afka soomaaliga ee BBC-da.
War saxaafadeed ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ninka is qarxiyay uu dilay 73 askari, islamarkaana uu dhaawacay 124 kale, in kastoo cid madax bannaan oo xaqiijisay sheegashadaasi aanay jirin.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay milteriga dalka Soomaaliya oo ka hadlaya sida xerada kuliyadda Jaale Siyaad ay wax uga dhaceen iyo tirada khasaaraha ciidanka ka soo gaaray qaraxa lala beegsaday.