Duqa magaalada Derna ee bariga dalka Libya , Abdulmenam al-Ghaithi ayaa sheegay in tirada dhimashada ee ka dhalatay daadadkii iyo duufaantii Daniel ee halkaasi ku dhuftay ay u dhaxeyso 18,000 ilaa 20,000 oo qof.
Waxaa weli la la’yahay kumanaan qof oo kale iyadoo ay socdaan howlaha samata bixinta.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Libya , Tarek al-Kharraz ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in dadka dhintay ugu yaraan 400 oo ka mid ah ay ka soo jeedaan waddamada kale ee caalamka oo ay ugu badan yihiin Suudaan iyo Masar .