In ka badan 1,700 oo qof oo ilaa iyo hadda lagu xiray Myanmar

0
671

Tirada dadka ee ilaa iyo hadda ay xabsiyada dhigeen ciidamada ammaanka ee wadanka Myanmar ayaa gaartay ugu yaraan 1,700 oo qof.
Xalay ayay ahayd markii ay saraakiisha howlgallo ka sameyeen magaalada Yangon.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada ammaanka ay maanta sunta dadka ka ilimeysiisa ku kala eryeen dibadbaxayaal isugu soo baxay waddooyinka magaalooyinka kala duwan ee dalkaas .
Dadka mudaharaadka dhigaya ayaa ka soo horjeedo afgembigii militari ee Myanmar ka dhacay 1-dii bishii hore.
Waxay dalbanayaan in talada dib loogu celiyo maamulkii rayidka ee lagala wareegay sidoo kalena la soo siidaayo mas’uuliyiin la xiray oo ay ka mid tahay Aung San Suu Kyi.
Qaramada midoobay ayaa dhankeeda sheegaysa in saraakiisha ammaanka ay ilaa iyo hadda dileen in ka badan 50 qof oo ka qayb qaatay dibadbaxyada .