In ka badan 16 milyan oo carruur ah oo helay tallaalka tiifowga intii uu socday olalaha talaalka

0
397

Ugu yaraan 16 milyan oo caruur ah ayaa helay talaalka tiifowga intii lagu guda jiray olalaha talaalka oo soo dhamaaday shalay.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Aadan Barre Ducaale ayaa ku dhawaaqay in si guul leh loo soo gabagabeeyay ololaha Tallaalka Jadeecada iyo Tiifowga kaasoo billowday 5-tii bishan Luulyo.
Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka, ololaha ayaa waxaa uu gaaray in ka badan 16.1 milyan oo carruur ah oo la siiyay Talaalka Tiifowga oo ka dhigan in wasaaradda ay gaartay 84 boqolkiiba daboolista caymiska qaran, iyo in ka badan 5.18 milyan oo carruur ah oo qaatay tallaalka jadeecada taasoo ka dhigan 81 boqolkiiba caymiska qaran.
Sidoo kale in ka badan 74,000 oo carruur ah oo aan horey u helin tallaalka joogtada ah ayaa la tallaalay.
Intaa waxaa dheer, Tallaalka tiifowga hadda waxaa laga heli karaa dhammaan xarumaha caafimaadka isaga oo lagu bixin doono lacag la’aan.
Wasaaradda ayaa waxaa ay ku tilmaantay guusha ololahan inay ku timid dedaalka ay muujiyeen shaqaalaha caafimaadka, wasaaradda waxbarashada iyo hay’adaha wada shaqaynta la leh.
Sidoo kale, Ducaale ayaa ka digay wararka been abuurka ah, waxaa uuna ku booriyay Kenyaanka inay raadiyaan xog lagu kalsoonaan karo.