In ka badan 15,500 oo qof oo ilaa iyo hadda lagu dilay Qaza

0
221

Ugu yaraan 15,523 oo qof oo Falastiiniyiin ah ayaa tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkan lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil ka wado Qaza.
Waxaa sidatan sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza.
Boqolkiiba 70 ee Falastiiniyiinta lagu dilay duqeymaha Israa’iil ayaa ah haween iyo carruur.
Afhayeenka wasaaraddan Ashraf al-Qudra ayaa intaasi ku daray in 41,316 qof oo kale la dhaawacay.
Tiradan ayaa sii korortay ka dib markii xafiiska warbaahinta ee maamulka magaalada Qaza uu shaaciyay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay Qaza lagu dilay in ka badan 700 oo qof.