Ugu yaraan 15 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dalka Indonesia ka dib dhul go’ ka dhashay roobab xooggan oo halkaasi ka da’ay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in weli la la’yahay dhowr qof oo kale.
Waaxda qaran ee dowladda Indonesia u qaabilsan maareynta musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ee (BNPB) ayaa laga soo xigtay in roobabka ay weli da’ayaan tani oo adkeysay howlaha samata bixinta.
Sidoo kale waxaan gobolka Natuna ee ay dhibaatadan saameysay ka jirin adeegyada isgaarsiinta.
Madaxa laanta samata bixinta ee gobolkaasi Cabdul Raxmaan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in weli la raadinaya 50 qof oo aan meel lagu ogayn.