Ugu yaraan afar wariye oo Falastiini ah, oo uu ku jiro sawir qaade u shaqeeyo warbaahinta Aljazeera, ayaa ka mid ahaa 14 qof oo lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday isbitaalka koonfurta Qaza.
Dhakhaatiirtu ayaa waxaa ay sheegeen in ay yar tahay oo ay samayn karaan si ay u joojiyaan carruurta gaajo ugu dhimanaya macluusha ay Israa’iil ka samaysay ee Qaza.
Ciidamada Israa’iil ayaa kordhiyay weerarada ay ku hayaan qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha Zeitoun iyo Sabra ee magaalada Qaza, xilli ay ku sii socdaan qorshahooda ay ku doonayaan inay ku qabsadaan magaalada, ayna ku qasbaan shacabka inay u qaxaan koonfurta.
Dhanka kale Xuutiyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan lix qof ay ku dhinteen 86 kalena ay ku dhaawacmeen weerarrada Israa’iil ay ku qaadday caasimadda Yemen ee Sanca, oo lagu weeraray madaxtooyada iyo xarumaha tamarta.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza ayaa inta uu socdo tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii waxaa lagu dilay ugu yaraan 62,622 qof halka mudadaas gudaheeda lagu dhaawacay 157,673 kale oo Falastiniyiin ah.