In ka badan 131 qof oo ku dhintay dhulgariirkii Shiinaha

0
231

Waxaa sare u sii kacday tirada dhimashada ee ka dhalatay dhulgariirkii saameeyay dalka Shiinaha.
Ugu yaraan 131 ruux ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay musiibadaasi rabbaaniga ah ku nafwaayeen.
Warbaahinta jamhuuriyadda Shiinaha ee CCTV ayaa ku warramaysa in ugu yaraan 113 qof ay ku dhinteen gobolka Gansu ee Waqooyiga Galbeed halka 18 dhimasho dheeraad ah laga diiwaangeliyay gobolka kale ee Qinghai .
Dhulgariirkan ayaa ah midkii ugu dhimashada badnaa tan iyo sanadkii 2014-kii xilligaasi oo ay in ka badan 600 oo qof ku dhinteen gobolka Yunnan .
Sanadkii 2008-dii ayay ahayd markii dhulgariir xooggan oo ka dhacay gobolka Sichuan ee Shiinaha ay ku dhinteen ama lagu waayay ugu yaraan 87,000 ruux waxaana ka mid ahaa 5,335 oo arday ah.
Wadanka Shiinaha waxaa hadda ka socdo howlaha samatabixinta iyo gurmadka loo fidinaya dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay dhulgariirka.
Kumanaan ka mid ah saraakiisha waaxda dab damiska iyo shaqaalaha samatabixinta ayaa la geeyay gobollada ay musiibadan ka dhacday.
Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa ku warramaysa in gobolka Gansu ee ay soo gaartay saameynta ugu badan in loo diray 2,500 oo teendhooyin ah ,20,000 oo ah jaakado iyo sariirro gaaraya 5,000 oo ah nooca la isku laabi karo.