In ka badan 13,000 oo baasaboorro cusub ah oo la qaadan karo laga billaabo Isniinta

0
450

Waaxda socdaalka ee dalka ayaa sheegtay in Isniinta soo socoto ee 16-ka bishan uu billaaban doono wajiga 4-aad ee qaadashada baasaboorrada la soo saaray.
Waaxdan ayaa hoosta ka xarriiqday inay diyaar yihiin baasaboorro gaaraya 13, 290 oo ay inta u dhexeysa Isniinta ilaa Khamiista qaadan karaan dadkii codsaday.
Tani ayaa qayb ka ah qorshaha dardargelinta soo saaridda baasaboorrada ee (RRI).
Baasaboorrada diyaarka ah ee Nairobi waxay gaarayaan 6,021 , magaalada Eldoret waa (1,386) Embu (1,398) , Kisii waa ( 1,201 ),Nakuru (801) , Kisumu (1,262 ) halka Mombasa tiradan ay tahay (1,221).