In ka badan 1,300 oo Xujey ah oo sanadkan ku dhimatay Xajka

0
331

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay tirada dhimashada ee Xujeyda sanadkan oo korortay islamarkana gaartay ugu yaraan 1,301 oo qof.
Dadka geeriyooday ayaa badankood lagu sheegay kuwa aan helin ruqsad ay ku soo galaan dhulka barakeysan, iyagoo wakhti badan soo lugeeyay.
Wakhti badan ay soo lugeeyeen ayaa sababtay inay la kulmaan kuleyl xad dhaaf ah oo horseeday dhimasho.
Xujeyda ayaa sanadkan gudanayay waajibaadka Xajka xilli ay wajahayeen kuleyl daran oo gaarayay 50 Digree.
Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga ayaa sheegtay, in in ka badan afar meelood meel dadka dhintay aysan haysan oggolaansho rasmi ah oo u oggolaanayay inay halkaas joogaan, waxayna ku socdaaleen kuleyl daran, iyagoon helin adeegyadii muhiimka u ahaa si ay uga gaashaantaan kuleylka iyo caqabadaha kale.