Ugu yaraan 13 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dab ka kacay mid ka mid ah qaybaha ay ardayda seexdaan ee dugsiyada dalka Shiinaha.
Dhacdadan ayaa abaare 11-kii habeenimo ee xalay laga soo tabiyay gobolka ku yaalla bartamaha Shiinaha ee Henan.
Wakaaladda rasmiga ee wararka dowladda Shiinaha ee Xinhua ayaa ku warramaysa in hal qof oo kale uu dabkaasi ku dhaawacmay.
Dugsiga ayaa loo yaqaanaa Yingcai wuxuuna ku yaallaa tuulada Yanshanpu.
Waxaa durbaba goobtaasi gaaray saraakiisha dab damiska iyo kooxaha samatabixinta iyadoo ugu dambeyn dabka la demiyay.
Qofka dhaawacmay oo la daaweynaya ayay hadda wanaagsan tahay xaaladiisa caafimaad.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in maamullada maxalliga ay baaritaano ku sameynayaan sababtii keentay in dabka uu xaruntaasi qabsado .
Ugu yaraan hal qof oo dhacdadaasi lala xiriirinaya ayaa gacanta lagu dhigay.
Dhacdooyinka dabka ayaa ku badan Shiinaha waxaana loo aaneeya habacsanaan dhanka dhaqangelinta xeeraka badqabka.
Bishii 11-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ay dhinteen 26 ruux halka dhowr kalena ay dhaawacmeen ka dib dab laga soo tabiyay gobolka Waqooyi ee Shiinaha ee Shanxi .




