Ugu yaraan 127 ruux ayaa la xaqiijiyey inay dhinteen ka dib markii daadad ka dhashay roobab culus oo da’ay ay saameeyeen dalka Rwanda.
Waxaa sidoo kale wadankaasi laga soo tabiyay dhul go’o.
Musiibadan ayaa lagu sheegay midii ugu dhimashada badnayd ee sanado soo marta taariikhda Rwanda.
Dhimashada badankeeda ayaa laga diiwaangeliyay gobolka galbeed ee Rwanda oo xiga xadka harada Kivu ee Congo.




