In ka badan 124 qof oo loo xiray falalka burcadnimo ee Waqooyiga Rift Valley

0
325

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda gacanta lagu dhigay oo maxkamad la soo taagay ugu yaraan 124 qof oo lala xiriinaya dhacdooyinka burcadnimo ee saameeyay Waqooyiga gobolka Rift Valley.
Sidoo kale laamaha ammaanka ee howlgalka ballaaran ka fulinaya aaggasi ayaa sheegay inay heleen 39 qoriyo ah.
Shalay ayay ahayd markii koox burcad ah ay weerar ku dishay saddex qof oo isugu jiray guddoomiye xaafadeed sare iyo labo ka mid ah booliiska keydka.
Guddoomiye xaafadeedka la dilay ayaa dowladda dhexe ku matalayey tuulada Porra waxaana lagu magacaabi jiray Longer Letoluai .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka burcadda oo socday ilaa shalay subax uu soo billowday habeenkii ay Sabtida soo galeysay .
Tuulooyinka ka tirsan ismaamulka Samburu ee falalkan laga soo tabiyay ayaa kala ah Lesilampa, Lekirishati, Lempoko iyo Lengoseg.