Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa tirada dadka ee markii labaad laga tallaalay cudurka COVID19 ku sheegtay 128,744 qof.
37,918 oo ka mid ah tiradan waa howlwadeenada caafimaadka,34,269 waa dadka ay da’doodu tahay 58 sano iyo wixii ka wayn , macallimiinta (13,673 ), saraakiisha ammaanka ( 8,958) halka 33,926 ay yihiin qaybaha kale ee bulshada.
Sidoo kale waxay wasaaraddu shaacisay in wajigii koowaad ee tallaalka ka dhanka ah COVID19 ay ka faa’iidaysteen ku dhawaad hal milyan.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo laga soo billaabo bishii saddexaad ee sanadkii hore gudaha wadanka laga xaqiijiyay xaaladaha caabuqa corona oo gaaraya 175,681.
Waxaa cudurka ka caafimaaday 120,359 halka 3,421 qof ay u dhinteen.