In ka badan 12 ka mid ah madaxda Afrika oo shir uga farmay Nairobi

0
338

Waxaa maanta xaafadda Gigiri ee magaaladatani Nairobi kulan uga furmay ugu yaraan 12 ka mid ah hoggaamiyaasha waddamada qaaradda Afrika.
Shirkan oo loogu magacdaray kulanka isku dubaridka ee bartamaha sanadka (MYCM) ayaa ah midkii Shanaad ee la qabanaya.
Waxaa uu shirka u dhexeya Midowga Afrika , jaaliyadaha dhaqaale ee gobolka ee (RECs) iyo nidaam goboleedka (RMs).
Madaxda ka qayb galaysa ayaa badankooda Nairobi soo gaaray galinkii dambe ee shalay.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta ee dalka Dr. Alfred Mutua ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka uu horseedi doono in lagu guulaysto ujeeddooyinkii loo soo agaasimay oo ay ka mid yihiin in la qiimeeyo marxaladda isdhexgalka gobolka iyo in la isku dubarido dadaallada lagu dardargelinaya geeddisocodka isdhexgalka.
Madaxweynayaasha kulanka  ka qayb galaya waxaa ka mid ah hoggaamiyaha dalka Masar Cabdel Fataax El-Sisi, , dhigiisa Comoros Azali Assoumani, madaxweynaha wadanka Gabon, Cali Bongo Ondiba iyo hoggaamiyaha Senegal Macky Sall .