Tirada Falastiiniyiinta ee lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee gudaha Qaza tan iyo 7-dii bishii hore ee Oktoobar ayaa gaartay ugu yaraan 11,078 qof.
Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in tirada dhimashada ay intan ka badan karto maadaama uu shalay lumay wada xiriirkii ay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO la lahayd isbitaallo dhowr ah oo uu ka mid yahay al-Shifa oo ah isbitaalka ugu wayn ee Qaza.
Dhanka kale Israa’iil ayaa sheegtay in tirada laga dilay ay tahay ugu yaraan 1,200 ka dib markii ay dib u eegis ku sameysay tiradii hore oo ahayd ugu yaraan 1,400.