In ka badan 11 qof oo lagu dilay Turkana

0
450

Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay weerar xalay laga gaystay bariga ismaamulka Turkana.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in falkan ay fuliyeen kooxo burcad ah oo la rumeysan yahay inay ku howlanayeen dhaca xoolaha.
Waaxda qaran ee adeegga booliska oo weerarkan iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay warbaahinta u xaqiijisay ayaa ku tilmaantay fal dambiyeed loo fuliyay si fuleynimo ah.
NPS ayaa laga soo xigtay in dhibbanayaasha la bartilmaameedsaday ay badankoodu yihiin saraakiisha ammaanka ee halkaasi ka howlgalo.