In ka badan 11 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Afghanistan

0
357

Ugu yaraan 11 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qarax laga soo tabiyay wadanka Afghanistan halka tiro kale oo dhowr ah ay dhaawacmeen.
Tani ayaa timid ka dib markii bamboo la geliyay wadada ay ku qaraxday bas marayay gobolka koonfureed ee Zabul sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas.
Afhayeenka guddoomiyaha gobolkaas Gul Islam Sial ayaa dhaawaca ku sheegay 25 qof oo ay ka mid yihiin carruur iyo haween xaaladoodu caafimaad ay liidato.
Dhanka kale kooxda Taalibaan oo ka soo horjeeda dowladda Afghanistan ayaa galinkii dambe ee shalay shaacisay xabad-joojin saddex cisho ah munaasabadda ciidul fidriga awgeed.