Wasiirka wasaaradda waddooyinka iyo gaadiidka ee dalka Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in intii u dhexeysay bishii koowaad ilaa bishii saddexaad ee sanadkan ay shilal ka dhacay gudaha wadanka ku dhinteen ugu yaraan 1,072 ruux.
Tiradan ayaa sanadkii hore ahayd 1,159 qof.
Tirada dadka sanadkan ku nafwaayay shilalka ayaa isugu jiro 362 qof oo waddooyinka gudbayay ,302 ka mid ah wadayaasha mootooyinka ,184 oo ah rakaabka baabuurta ,101 oo saarnaa mootooyin ,104 wadayaasha baabuurta ah iyo 19 kaxeynayay baaskilayada.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in sababaha loo aaneynaya shilalka ay yihiin in baabuurta si xowli ah loo wado , in shacabka ay waddooyinka gudbaan iyagoo adeegsanaya meelo aan loogu tala gelin iyo in wadayaal daroogeysan ay baabuur kaxeeyaan.
Waxaa uu wasiirku xusay in maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee (NTSA) uu dhaqangelinaya tallaabooyin adag oo la doonaya in lagu yareeyo dhacdooyinka shilalka.
Murkomen ayaa arrintan ka hadlay xilli uu soo bandhigayey xubnaha guddiga cusub ee maareyn doono howlaha NTSA.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aad loogu baahan yahay la tacaalidda kiisaska sii kordhaya ee shilalka.
Tallaabooyinka uu qaadaya maamulka NTSA waxaa ka mid ah in la billaabo howlgal ka dhan ah baabuurta aan tayo ahaan wanaagsanayn ee waddooyinka isticmaala iyo in iyadoo la kaashanaya wasaaradda arrimaha gudaha gacanta lagu dhigo wadayaasha aan gawaarida u kaxeyn si taxaddar leh.
Wadayaasha baabuurta ee ugu tirada badan waxay ku dhinteen gudaha ismaamulka Machakos.
Shilalka ugu badan waxaa laga diiwaangeliyey waddada wayn ee u dhexeysa ismaamullada Nairobi iyo Mombasa.
Ismaamullada Nakuru iyo Meru ayaa laga diiwaangeliyay inay sanadkan ku nafwaayeen wadayaasha ugu badan ee dhugdhugleyda iyo rakaabkooda oo lagu kala sheegay 33 iyo 30 ruux.
NTSA ayaa laga soo xigtay in shacabka ugu badan ee shil ku dhintay iyagoo waddo gudbaya in laga diiwaangeliyay dowlad deegaannada Nairobi iyo Kiambu waxayna tiradoodu tahay 56 iyo 45 .
Guud ahaan wadanka, shilalka ugu badan waxaa laga diiwaangeliyay caasimadda Nairobi oo ah 101 ruux oo intooda badan ku dhintay waddooyinka Eastern bypass iyo Outering road.
Waxaa liiska labaad ee tirada shilalka soo galay ismaamulka Nakuru oo ah 93 dhimasho.
Marka la eego gaadiidka shilalka ugu badan sannadkan waxay saameeyeen mootooyinka iyo baabuurta sida gaarka ah loo leeyahay oo lagu kala sheegay 284 iyo 272 .
Maalmaha Sabtida iyo Axadda ayaa la diiwaangeliyay inay dhaceen shilalkii ugu badnaa ee sannadkan.
Inta u dhexeysa Jimcada ilaa Axadda ayaa la soo tabiyay boqolkiiba 48.4 oo ah dhacdooyinka shilalka.
NTSA ayaa intaasi ku dartay in xilliyada ay dhacaan shilalka ugu badan ay yihiin inta u dhexeysa 5-ta galabnimo ilaa 11-ka habeenimo.
Marka la eego dhanka jinsiyadda waxaa shilalka ku nafwaayay boqolkiiba 83 ee ragga .