Kooxaha baadigoobka ayaa weli ku jiraa raadinta dad la la’yahay ka dib daad ka dhacay gobolka Texas ee dalka Mareykanka oo galaaftay ugu yaraan 104 qof, oo badankood ay caruur yihiin.
Saddex maalmood ka dib roobab mahiigaan ah oo da’ay ayaa u beddelay gobolka Texas mid ay ku naf waayeen dad aad u tiro badan oo ay jiraan 27 gabdood oo ku sugnaa kambi ku yaalo webiga Guadalupe.
Gelinkii dambe ee Isniinta ayaa la xaqiijiyay meydadka 84 oo ku naf waayay daadkaas oo 56 ka mid ah ay yihiin dad qaan gaar ah 28 ay yihiin carruur.
Wargeyska New York Times ayaa daabacay in ugu yaraan 104 qof ay ku dhinteen dhammaan aagga uu daadadka saameeyay.