In ka badan 100,000 oo ah buugaagta laga soo saaro baasaboorka oo dalka la keenay

0
355

Xoghayaha joogtada ah ee waaxda socdaalka dalka Julius Bitok ayaa sheegay in ugu yaraan 60,000 oo qof oo horay u codsaday in la siiyo baasaboorka dalka inay dokumeentigan muhiimka ah heli doonaan saddex toddobaad gudahooda.
Tani ayaa timid ka dib markii ay dowladda dhexe guddoontay in ka badan 100,000 oo ah buugaagta laga soo saaro baasaboorka.
Xoghayaha ayaa carrabka ku adkeeyay in wixii hadda ka dambeeya marka uu qofku codsigiisa ku gudbiyo hannaanka casriga ee e-Citizen inuu sugi doono 21 cishe si uu u helo baasaboorkiisa.
Waaxda socdaalka ee dalka ayaa laga soo xigtay inay weli gacanta ku hayso soo saaridda 63,265 oo baasaboorro ah.