In ka badan 1,000 qoys oo ku barakacay daadadka Kisumu

0
346

Ugu yaraan 1, 000 qoys ayaa ilaa iyo hadda ku barakacay ismaamulka Kisumu ka dib fatahaado ka dhashay roobab culus oo halkaasi ka da’ay.
Guriyo badan ayay biyaha gudaha u galeen iyadoo shacabka ay ka cabanayaan saameyn xooggan oo ka soo gaartay daadadka.
Dowladda hoose ee ismaamulka Kisumu ayaa daahfurtay gargaar cunno iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah loogu qaybinaya qoysaska ku barakacay roobabka.
Barasaabka ismaamulka Kisumu ,Anyang Nyong’o ayaa sheegay in deeqda oo ay ku baxaysa in ka badan 5 milyan oo shilin loogu tala galay ugu yaraan 1200 oo qoys.
Saameynta daadadka ayaa Kisumu laga dareemaya ka dib markii ay webiyada jabsadeen karkaarrada.
Nyong’o ayaa sheegay in tirada qoysaska barakacaya ay sii kordhi karto maadaama ay weli roobabka da’ayaan.
Deegaannada shacabka ku nool ay saameynta ugu badan ee fatahaadaha ay soo gaartay ayaa kala ah bariga Kisumu , Nyando, Galbeedka Kisumu iyo Muhoroni.