In ka badan 1,000 qof oo ku dhintay dhulgariirka Morocco

0
162

Ugu yaraan 1,037 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dhulgariir xooggan oo saameeyay dalka Morocco ee ku yaalla waqooyiga qaaradda Afrika.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 1,200 qof oo kale ay dhaawacmeen, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee Morocco.
Dhulgariirka ayaa cabbirkiisa lagu qiyaasay 6.8, sida ay sheegtay waaxda Maraykanka u qaabilsan baaritaannada dhulalka ee (USGS).
Dhulgariirka ayaa dhacay wax yar ka dib 11-kii habeenino ee xalay ee wakhtiga maxalliga ah ee wadankaasi.
Xudunta dhulgariirka ayaa la sheegay inay tahay meel 72 kiilomitir waqooyi bari kaga beegan magaalada Marrakesh ee dalka Morocco, sida ay sheegtay USGS.
Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa laga dhex arkayay in dhulgariirka uu ahaa mid muujinaya gariir iyo dad ku yaacay waddooyinka iyo dhismayaasha oo gariiraya.
Dhulgariirka saameeyay Morocco ayaa lagu tilmaanay kii ugu xoogganaa ee muddo qarni ah dalkaasi ku dhufta.