Ugu yaraan 100 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn kaasoo ka dhacay dalka Syria.
Waxaa weerarka lagu bartilmaameedsaday machad militari oo ku yaalla gobolka Homs ee Syria.
Wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi iyo koox dabagal ku sameysa arrimaha xuquuqul aadanaha ee wadankaasi oo loo yaqaano SOHR ayaa sheegay in 240 qof oo dheeraad ah ay weerarkaasi ku dhaawacmeen.
Wasiirka caafimaadka ee Syria ,Xassan Al-Ghabash ayaa sheegay in dadka la dilay 6 ka mid ah ay carruur yihiin.
Waxaa laga cabsi qabaa in tirada dhimashada ay sii kororto.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay gobolka Homs ee dalka Syria.