Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay weerarrada Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 100 qof.
Weerarradan oo lagu bartilmaameedsaday guriyo ayaa waxaa ku dhaawacmay 286 qof oo dheeraad ah.
Ugu yaraan 21,672 qof ayay Israa’iil ku dishay Qaza tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkan halka la dhaawacay in ka badan 56,165 kale.