In ka badan 100 ka mid ah qaxootiga Rohingya oo ku xayiran India

0
420

Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan 100 ka mid ah qaxootiga bulshada Rohingya ee dalka Myanmar ay ku xayiran yihiin jasiiradda Andaman ee dalka India.
Warbaahinta caalamiga ee Aljazeera ayaa ku warramaysa in dadkan ay dooni saaran yihiin.
Ehellada dadkan iyo shakhsiyaadka u ololeeya arrimaha bulshada ayaa sheegaya inay u badan tahay in 16 ilaa 20 dadkan ka mid ah ay u dhinteen oon iyo gaajo ama ay biyaha ku quusteen.
Agaasimaha mashruuca Arakan ee garab siiya qaxootiga Rohingya,Chris Lewa ayaa sheegay in tani ay tahay xaalad aan la qaadan karin.
Priyali Sur oo u ololeysa xuquuqda qaxootiga ayaa laga soo xigtay in dadkan ay 25 cisho ku dhex xanniban yihiin doonta oo aynan haysan biyo iyo cunno.