Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan 10 qof ay dhinteen halka 30 kalena la la’yahay ka dib markii uu soo dumay dhisme ku yaalla magaalada Aleppo ee dalka Syria.
Warbaahinta maxalliga ee wadankaasi ayaa tabinaysa in dadka dhintay uu canug ka mid yahay.
Dhismahan oo ka kooban shan dabaq ayaa xalay ku dumay xaafadda Sheikh Maksoud.
Waxaa dadka la la’yahay burburka hoostiisa ka raadinaya saraakiisha samatabixinta iyo shacab.