In ka badan 10 qof oo ku dhimatay dab ka kacay Faransiiska

0
431

Ugu yaraan 10 qof oo shan ka mid ah ay carruur yihiin ayaa ku dhintay dab saameeyay dhisme la deggan yahay oo ku yaalla Vaulx-en-Velin, oo u dhow magaalada Lyon ee dalka Faransiiska.
Waxaa dhacdadan iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay xaqiijiyay wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska ,Gerald Darmanin.
Afar qof oo kale ayay dhaawacyo culus ka soo gaareen dabka oo billowday arroornimadii hore ee maanta.
Dabka ayaa ka kacay dabaqa hoose ee dhismaha ka kooban toddobo dabaq ka hor inta uunan sii fidin sida laga soo xigtay maamullada samatabixinta.
Darmanin ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aan la ogaan sababta keentay dabka ugu dambeyn la damiyay.
Waxaa uu intaasi ku daray inay guda galayaan baaritaano xaqiiqo raadin ah.
Daminta dabka waxaa ka qayb qaatay ku dhawaad 170 ah saraakiisha dab damiska oo halkaasi la geeyay.
Labo ka mid ah saraakiishan ayay dhaawacyo fudud soo gaareen intii ay howlgalka wadeen.