In ka badan 10 kun oo qof oo ku xanniban Severodonetsk

0
590

Guddoomiyaha gobolka Luhansk ee dalka Ukraine Sergiy Gaiday ayaa sheegay in qiyaastii 10,000 oo qof oo shacab ah ay weli ku xayiran yihiin magaalada bari ee Severodonetsk.
Toddobaadyadii ugu dambeeyay , ciidamada dowladda Ruushka ayaa sare u qaaday howlgallada militari ee ay gobolkaasi ka wadaan.
Sergiy Gaiday, ayaa barta Telegaraamka ku sheegay in ciidamada difaaca ee xukuumadda Kyiv aynan inta awoodooda ah isku dhiibi doonin sida uu hadalka u dhigay cadowga.