Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shaacisay in olole qaran oo ka dhan ahaa cudurka daacuunka oo laga fuliyey guud ahaan wadanka ay ka faa’iidaysteen 1.6 milyan oo qof.
Tallaalkan ayaa socday intii u dhexeysay 3-dii ilaa 12-kii bishii hore.
Waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayay gobollada inta badan laga diiwaangeliyo xaaladaha daacuunka.
Wasaaradda caafimaadka ayaa intaasi ku dartay in horay la bartilmaameedsanayey 1.5 milyan oo qof balse ay saraakiisha caafimaadka ku guulaysteen inay tallaalaan tiro intaasi ka badan.
Waxay wasaaraddu hoosta ka xarriiqday in tallaalka looga falcelinayay daacuun saameeyay 12,079 qof oo ka mid ah shacabka ku nool 27 ismaamul kaasoo ay u dhinteen 200 oo qof.
🇰🇪 Kenya's Success in Healthcare 🌡️
🏥 1.6M+ Cholera Vaccinations
👶 1.95M+ Children Protected from PolioTogether, we're ensuring a healthier future for all!#KenyaHealthcare #VaccinationSuccess pic.twitter.com/sBjTT1yUxs
— Ministry of Health (@MOH_Kenya) September 2, 2023