Imtixaannada qaran ee KCPE-da iyo KPSEA oo maanta billowday

0
259

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga billowday imtixaannada qaran ee fasalka siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee loo yaqaano KCPE-da.
Sidoo kale waxaa maanta si rasmi ah u billowday imtixaannada qaran ee ardayda heerka 6-aad ee dugsiga hoose dhexe ee KPSEA.
Sanadkan waxaa imtixaanka KCPE sameynaya arday tiro ahaan dhan 1,415,315, halka KPSEA ay u fadhiisanayaan 1,282,574.
Ardayda maanta KCPE-da u fadhiisaneyso ayaa sameynaya imtixaanka sanad dugsiyeedka 2023-ka.
Ardayda heerka 6-aad ee dugsiga hoose dhexe ee KPSEA ayaa sanadka dambe gudbaya heerka koowaad ee dugsiga sare, iyagoo la jaanqaadaya manhajka cusub ee waxbarashada ee CBC.
Waxaa ardayda fasalka 8-aad ee KCPE-da ay maanta sameynayaan imtixaannada maadooyinka Xisaabta, Ingiriisiga iyo Composition.
Ardayda heerka 6-aad ee dugsiga hoose dhexe ee KPSEA ayaa ayagana u fadhiisanaya maanta maadooyinka kala ah Xisaabta iyo Ingiriisiga.
Imtixaannada sanadkan ayaa noqonaya kuwa ugu dambeeya ee manhajka waxbarashada ee 8-4-4 iyadoo uu dalka si buuxda ugu wareegaya hannaanka cusub ee CBC oo ku saleysan in ardayda xilli hore laga soo dhiso dhanka xirfadaha.
Dhanka kale, madaxweynaha dalka William Ruto oo saaka kormeeray islamarkaana si rasmi imtixaannada KCPE iyo KPSEA uga daahfuray dugsiga hoose dhexe ee Kikuyu Township, ee ismaamulka Kiambu ayaa ardayda u rajeeyay guul.