Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Xoghayaha joogtada ah ee tacliinta aasaasiga Dr. Belio Kipsang ayaa sheegay inay si degdeg ah u billaabayaan saxidda warqadaha imtixaanka.
Ujeeddada laga leeyahay arrintan ayuu ku sheegay in natiijada KCSE-da la shaaciyo ka hor inta uunan billaaban sanad dugsiyeedka sanadka 2023.
Xoghayaha ayaa sheegay inay jireen dhacdooyin kooban oo wax is daba marin ah balse lala tacaalay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in xulashada ardayda dhameeyay dugsiga hoose dhexe ee ku biiraya fasalka koowaad ee dugsiyada sare loo sameyn doono si caddaalad ah.
Waxaa uu xusay inay ku dadaali doonaan in arday waliba uu ku biiro dugsiga uu codsaday ee uu u qalmo inuu wax ka dhigto.
PS for Basic Education, Dr. Belio Kipsang ~ As we mark the end of #NationalExaminations2022 cycle today, all the examination handlers and examiners will have a busy Christmas as the marking of #KCSE2022 will start immediately.#NationalExamination2022#EducationReforms pic.twitter.com/B5z7aSpfqj
— EduMinKenya (@EduMinKenya) December 23, 2022