Imtaxaanka KSCE-da oo maanta si rasmi ah uga bilawday guud ahaan dalka

0
633

Imtaxaanka Shahaadada Waxbarashada ee dugsiga sare (KCSE) ayaa maanta si rasmi ah uga bilaawatay guud ahaan dalka.
Golaha Imtixaanaadka Qaran ee (KNEC) ayaa sheegay in dhammaan diyaar garowga loo dejiyay si loo xaqiijiyo hannaan daah furan, kaddib markii ay sameeyeen tababaro Jimcihii.
Ardeyda fasalka afaraad ayaa ku bilaabayaa imtaxanaanka luuqadaha Faransiiska, Jarmalka, Carabiga, iyo Luqadda dadka maqalka la’.
Imtixanaadka practicalka ayaa bilaabmi doonaan Arbacada ila Jimcaha 31-ka bishan October.
Madaxa fulinta ee KNEC Davind Njengere ayaa sheegay in 996,078 arday ay imtixaanka u fariisan doonaan sanadkan.
1,298,089 arday oo kale ayaa u fariisan doona imtixaanada Qiimaynta Waxbarashada Dugsiyada Hoose ee (KPSEA) oo lagu wado in ay bilaabmaan isbuuca soo socda halka 1,130,669 ay u fariisan doonaan imtixaanada Qiimaynta Waxbarashada fasalada sare ee Dugsiga Hoose ee (KJSEA).
Njengere oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in sanduuqyada kaydka ah laga kordhiyay 617 la isticmaalay sanadkii hore lana gaarsiiyay 642 si loo fududeeyo qeybinta agabka imtixaanka.
Dhanka kale, wasiirka wasaaradda waxbarashada Julius Ogamba ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono ciddii lagu helo inay ku howlan yihiin falal lidi ku ah imtixaannada.