IMF oo Kenya siisay 44 bilyan oo amaah ah

0
435

Hay’adda caalamiga ee lacagaha adduunka ee IMF ayaa soo saartay amaah lacageed oo dhan 44 bilyan oo ay ku wareejinayso dowladda Kenya.
Dhaqaalahan ayaa la adeegsan doonaa muddo saddex sano ah.
Guddiga fulinta ee IMF ayaa ansaxiyay in deyntan oo u dhiganta 407 milyan oo doolar la siiyo Kenya.
IMF ayaa sheegtay in dowladda Kenya ay muujisay sida ay kaga go’an tahay xaqiijinta maamul wanaagga iyo dib u habeynta hay’adaha dowliga ah.
Waxay hay’addu tusaale u soo qaadatay in baaritaano dhanka hanti dhowrka ah dhawaan lagu sameeyay qaabkii loo adeegsaday dhaqaalihii loogu talagalay la dagaalanka cudurka COVID19.