IMF oo Kenya siinaysa 55 bilyan oo amaah ah

0
240

Golaha fulinta ee hay’adda lacagaha adduunka ee IMF ayaa ansixiyay amaah lacageed oo dhan 55.1 bilyan oo shilin oo la siinaya wadanka.
Lacagtan ayaa u dhiganta 447.39 milyan oo doolar.
Tani ayaa qayb ka ah deyn gaaraysa 288 bilyan oo shilin una dhiganta 2.34 bilyan oo doolar taasoo lagu heshiiyay bishii Afaraad ee sanadkii tagay.
Heshiiskan la xiriira amaahda ee u dhexeya Kenya iyo IMF ayaa shaqeynaya muddo 38 bilood ah.