Golaha fulinta ee hay’adda lacagaha adduunka ee IMF ayaa ansixiyay amaah lacageed oo dhan 150 bilyan oo shilin oo la siinaya wadanka.
Lacagtan ayaa u dhiganta 941.2 milyan oo doolar.
Maamulka madaxweyne William Ruto ayaa si degdeg ah u heli doona qayb ka mid ah lacagtan oo dhan 109 bilyan oo shilin, iyadoo hay’adda IMF ay si dhow ula socon doonto qaabka loo isticmaalayo.
Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero kobcinta dhaqaalaha wadanka.
Mid ka mid ah shuruudaha amaahda ayaa ah in loo adeegsado hirgelinta dib u habeynta dhaqaalaha wadanka.
IMF ayaa xustay in amaahda la siiyay Kenya ay fure u tahay ilaalinta xasiloonida dhaqaalaha guud ee wadanka iyo wax ka qabashada xaaladaha degdeg ah.