Hay’adda lacagaha adduunka ee IMF ayaa lagu wadaa inay dowladda dalka Uganda ku wareejiso amaah lacageed oo gaaraysa 870 bilyan oo shilin si loogu adeegsado dib u soo noleynta dhaqaale.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday afhayeenka wasaaradda maaliyadda ee Uganda ,Mr Jim Muganga.
Qorshahan ayaa la filayaa in marka wada hadallada ku aaddan la dhameystiro ka dib uu si rasmi ah u ansixiyo golaha fulinta ee IMF.
28-kii bishii Lixaad ee sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii ay hay’addo meel marisay qorsho ku aaddan taageeridda dhaqaalaha Uganda oo soconaya saddex sano oo ku kacaya ilaa hal bilyan oo doolar.