Imaaraadka oo gargaar dheeraad ah siiyay Suudaan

0
259

Hay’adaha samafalka ee dowladda isu tagga imaaraadka carabta ayaa gargaar aasaasi ah u fidinaya dadka ay saameeyeen daadadka ku dhuftay Suudaan.
Waxaa sidatan ku warramaysa wakaaladda wararka ee Imaaraadka ee (WAM)
Waxaa gurmad isugu jiro cunno iyo adeegyada hooyga la gaarsiiyay 3,500 qof oo ku nool labo tuulo oo hoos tago gobolka White Nile ee Suudaan.
Daadadka waxaa ku dhintay in ka badan 100 qof halka ay saameeyeen 278,500.