Imaaraadka Carabta oo ku booriyay Golaha ammaanka Qaramada Midoobay inay tallaabo degdeg ah ka qaadaan colaadda Israa’iil iyo Iiraan

0
154

Wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa ugu baaqay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay qaadaan “tallaabooyin degdeg ah oo lagama maarmaan ah” si loo helo xabbad joojin u dhaxaysa Israa’iil iyo Iiraan.
Sheikh Abdulla bin Zayed al-Nahyan ayaa waxaa kale oo uu sheegay in dublamaasiyadda looga baahan yahay “inay ka hortagto xaaladdu inay u gudubto qabri iyo cawaaqib xumo”.
Waxaa uu sii waday in uu ka digo in “ficilada aan ka fiirsasho lahayn iyo la xisaabtan la’aanta” ay keeni karaan in iskahorimaadku ku faafo dalalka deriska la ah Israa’iil iyo Iiraan, wuxuuna ku baaqay tallaabo degdeg ah oo lagu soo afjarayo colaadda “ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin”.
Arrintan ayaa imaanaysaa iyadhoo ciidamada Israa’iil ay wali waddaan duulaanka militari ee Qaza iyagoo ugu yaraan 89 qof oo Falastiiniyiin ah ku dilay gudaha Marinka 24-kii saac ee la soo daafay 70 ka mid ah dadkaas ay yihiin kuwo gargaar cunto u raadsaday magaalada Khan Younis.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza oo soo bilawday 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 55,432 qof halka lagu dhaawacay 128,923 kale oo Falastiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza.